|
?

Ibraahim Cali Xassan waxa uu ku noolaa dalka Jarmalka muddo 20 sanadood ah wuxuuna? Waayo aragnimo iyo qibrad durugsan u leeyahay Luqadda iyo adeegyada caafimaad. waxaana uu in badan la soo shaqeeyay Hay'ado caafimaad iyo kuwo guud oo jarmal ah, sida Safaaradda Jarmalka ee Nairobi Kenya waxuuna ahaa wakiilka Safaaradda ee arrimaha Soomaliya.. Waxyaabahii ku dhaliyay Ibraahim inuu aas aaso Daryeelkaan waxaa ka mid ahaa kadib markii uu arkay Baahida baahsan ay Soomaalidu qabto in Jarmalka lagu soo daweeyo isla markaana in ay helaan ballantii dhaqtarka, goobtii ay dagi lahaayeen, soo dhaweyntii iyo luqadda oo loo tarjummo maadaama uu yahay qof aqoon buuxda u leh luqadda kuna soo shaqeeyay turjubaan ahaan ilaa sanadkii 1991 ayay si buuxda iskugu xilsaareen wax ka qabashada baahidaan taasoo keentay in ay sameeyaan Danyar daryeel Service oo ah hay'addan oo sida magaceeda ku xusan loogu daneynayo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyadoo cudurada ay qabaana laga baari doono laguna daaweyn doono dalkaan Jarmalka oo ah dalka Adduunka ugu hormarsan dhanka Caafimaadka, waxaana daryeel service u kuur galeen arrimo badan sida hellidda dhaqaatiir tayo iyo aqoon durugsan leh, hellidda dal ku gal ama Visa, u sahlaysa in qofka loogu diro meel kasta uu joogo taas uu kusoo gali karo sharci ahaan dalkan Jarmalka iyo sidoo kale adeegyo kale aan halkaan lagu soo koobi karin howl wadeenada Danyar Daryeel Medical Services? waxay xilli kasta diyaar kuula yihiin gacmo furan iyo adeeg huffan.
Waxii faahfaahin intaas dheer nagala soo xiriir emailkaan ama adigoo isticmaalaya form-ka dusha sare ee Contact us ama Nala soo xiriir.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|