|

Danyar Daryeel Service
waxaa Maamule ka ah Ibrahim Cali Xasan
Ibraahim waxa
uu ku noolaa dalka
Jarmalka muddo 20 sanadood ah wuxuuna Waayo
aragnimo iyo qibrad durugsan u leeyahay Luqadda iyo
adeegyada caafimaad.
waxaana uu in badan la soo shaqeeyay Hay'ado caafimaad iyo
kuwo guud oo jarmal ah, sida Safaaradda Jarmalka ee Nairobi
Kenya waxuuna ahaa wakiilka Safaaradda ee arrimaha Soomaliya..
Waxyaabahii ku dhaliyay Ibraahim inuu aas aaso Daryeelkaan
waxaa ka mid ahaa kadib markii uu arkay Baahida baahsan ay
Soomaalidu qabto in Jarmalka lagu soo daweeyo isla markaana
in ay helaan ballantii dhaqtarka, goobtii ay dagi lahaayeen,
soo dhaweyntii iyo luqadda oo loo tarjummo maadaama uu yahay
qof aqoon buuxda u leh luqadda kuna soo shaqeeyay turjubaan
ahaan ilaa sanadkii 1991 ayay si buuxda iskugu xilsaareen
wax ka qabashada baahidaan taasoo keentay in ay sameeyaan
Danyar daryeel Service oo ah hay'addan oo sida magaceeda ku
xusan loogu daneynayo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan iyadoo cudurada ay qabaana laga baari doono laguna
daaweyn doono dalkaan Jarmalka oo ah dalka Adduunka ugu
hormarsan dhanka Caafimaadka, waxaana daryeel service u kuur
galeen arrimo badan sida hellidda dhaqaatiir tayo iyo aqoon
durugsan leh, hellidda dal ku gal ama Visa, u sahlaysa in
qofka loogu diro meel kasta uu joogo taas uu kusoo gali karo
sharci ahaan dalkan Jarmalka iyo sidoo kale adeegyo kale aan
halkan kuso koobi karin
Howlwadeenada Danyar Daryeel Service waxaa kale oo ka mid ah
Rug cadaa dhanka caafimaadka ah Maxamed Xasan Dubad oo ah Ku
xigeenka.
Waxii faahfaahin intaas dheer nagala soo xeriir emailkan.
info@daryeels.com |